Waaxda Ciyaaraha degmada
Waalidka qaaliga ah & mas'uuliyiinta:
Re: Soo bandhigida Lacag-bixinta Qadka onlinka ee RYCOR
Dugsiyada Dadweynaha Miniyaabolis waxay ku faraxsan yihiin inay kugula talinayaan in aad ka bixisaan
qadka onlinka RYCOR ee Lacag-bixinta internetka ay hadda diyaar u tahay isdiiwaangalinta ciyaaraha dugsiga
sare. Laga bilaabo Oktoobar 21, 2019, aaladdan cusub ee ku habboon ayaa lagu heli karaa websaydhka:
https://www.studentquickpay.com/mpls/
Websaydhkan ayaa sidoo kale ku xidhan websaydhka ciyaaraha isboortiga ee dugsi kasta iyo sidoo kale
websaydhka ciyaaraha isboortiga ee degmada.
Qaababka lacag-bixinta la aqbalay waxaa ka mid ah Visa, Visa Debit, Mastercard, Discover, iyo Jeega
elektiroonigga ah (ACH).
Sideen u Abuuraa Akoonka?
1. Booqo bogga internetka ee Bixinta Lacagta: https://www.studentquickpay.com/mpls/
2. Jug sii badhanka abuurka koontada.
3. Geli Magacaaga Hore, Magaca Dambe, E-maylka iyo Furahaaga.
4. Guji batoonka xigga.
5. Guji badhanka ardayda ku dar.
6. Arday kasta oo aad jeceshahay inaad ku darto koontada waalidkaaga, galiama ku qor aqoonsi Ardayga
iyo Magaca Dambe.
7. Guji battanka Dhammeystirka.
8. Haddii aad leedahay arday badan oo qoyskaaga ka mid ah, jugsii boggaga gaarka ah ee ardayga si aad u
fiirisid ujrooyinkooda iyo/ama sidaa iskaga qorto Barnaamijyada Ciyaaraha isboortiga.
9. Raac sida ay u kala horeeyaan nambarada foomamka isdiiwaangalinta si aad u dhammayso hawsha.
10. Markii aad diyaar ahaato, dhagsii sumadda salada iibka, si aad u hubiso oo aad uga bixiso lacagtaada
internetka.
11. Waxaad u baahan doontaa inaad hubiso waxqabad kasta aad ku darsatay si aad ugu darto lacag bixinta
laxiriirta.
Maxay yihiin kharashyada la xiriira nidaamka lacag bixinta cusub?
Ma jiraan wax kharash ah oo waalidiinta looga qaadayo isticmaalka nidaamka cusub ee bixinta internetka.
Walidiinta wax lacag ah lagaama qaadi doono khidmadaha ku habboon marka ay sameynayaan macaamil
bixinta. Degmadu waxay go'aansatay inay kor ka eegto dhammaan adeegyadii ganacsiga iyo ujrooyinkii
hawlgalinta ee nidaamkan cusub.
Waa kuwee iskuullada MPS ee helaaya nidaamka lacag bixinta cusub?
Marka laga bilaabo diiwaangelinta xilliga Jiilaalka, ardayda dhigata dhammaan dugsiyada sare ee MPS waxay
awoodaan inay iska diiwaangeliyaan oo ay iska bixiyaan kharashka ka qeybgalka ciyaaraha iyagoo adeegsanaya
Rycor. Waalidku waxay gali karaan nidaamka lacag bixinta cusub si ay u soo gudbiyaan foomamka
diiwaangelinta khadka tooska ah oo ay ku bixiyaan lacag hal intarneedka ah oo daboola carruur badan oo
dhigata iskuulo badan.